The University of Toledo Medical Center

/ut-medical-center/
/ut-medical-center/billing/

Billing Services

/
 

Contact Us

Xaquuqahaaga iyo Difaacyadaada Ka dhanka ah Qarashaadka Caafimaadka ee Lama filaanka ah

Marka lagu dhigo waaxda daryeelka xaaladaha degdega ah ama uu ku daaweeyo dhakhtar ka baxsan shabakada caymiska oo ka shaqaynaaya isbitaal shabakada caymiska ka tirsan ama xarunta qalliinka degdega ah, waxaa lagaa difaacayaa qarashka dheeraadka ah. Markay xaaladahaan ku qabsadaan, waa inaan lagaa qaadin lacag ka badan qaybta kaagasoo aadaysa caymiskaaga, qasaaro qaybta iyo/ama lacagaha caymiska kaa jaranaayo.

Waa maxay “baaqiga dheeraadka ah” (mararka qaarna loo yaqaano “qarashka lama filaanka ah”)?

Markaad booqato dhakhtar ama adeeg bixiye kale oo daryeel caafimaad baxsha, waxaa lagugu yeelan karaa lacago gaar ah oo ka baxsan kuwa dhakhtiirta caymisku qaadaan, sida qayb kamid ah lacagta, qasaaro qaybta caymiska, ama lacagta uu caymisku goosto. Waxaa lagaa qaadi karaa qarashaad dheeraad ah ama waxaad bixin kartaa qarashka oo dhan haddii aad u tagto dhakhtar ama booqatoxarun bixisa daryeel caafimaad oo aan ka tirsanayn shabakada caymiskaaga caafimaadka.

“Ka baxsan shabakada” waxaa laga wadaa dhakhaatiirta iyo xarumaha aan heshiiska kula caymiskaaga caafimaadka si ay u baxshaan adeegyada. Dhakhaatiirta ka baxsan shabakada caymiska ayaa loo oggolaan karaa inay kaa qaadaan dheeriga ah ee u dhexeeya cadadka uu caymiskaagu bixinaayo iyo qiimaha guud ee adeegga lagu siiyay. Tan waxaa loogu yeeraa “Qarashka baaqiga.” Cadadkaan ayay u badan tahay inuu ka badan yahay qiimeyaasha lagu baxsho dhakhaatiirta caymiska katirsan markay ku siiyaan isla adeegga waxaana laga yaabaa inaan lagu darin xisaabta lacagta uu jaranaayo caymiskaagu ama cadadka ugu badan ee lacagta aad jeebkaaga ka dhiibayso sanadkii.

“Qarashka lama filaanka ah” waa baaqiga qarash aadan filayn oo lagugusoo qorto. Qarashkaan ayaa imaan kara marka aadan maamuli karin cida doorka ku leh daryeelkaaga—sida marka aad ku jirto xaalad degdeg ah ama marka aad mudaysato booqasho aad ku tagayso xarun ka mid ah caymiska laakiin uu si lama filaan ah kuu daaweeyo dhakhtar ka baxsan caymiska. Qarashaadka caafimaadka ee lama filaanka ah ayaa noqon kara kumanaan doolar ayadoo ku xiran hawsha ama adeegga la qabtay.

Waxaa lagaa difaacayaa qarashka lama filaanka ah ee kaaga yimaada:

Adeegyada xaaladaha degdega ah

Haddii aad qabto xaalad caafimaad oo degdeg ah aadna hesho adeegyada xaaladaha degdega ah oo uu bixinaayo dhakhtar ama xarun ka baxsan caymiska, cadadka ugu badan ee ay kaa qaadi karaan waa cadadka qaybta kaagasoo aada qiimaha aad qaybsataan caymiskaaga (sida qaybta lacagaha kaagasoo aada, qasaaro qaybta caymiska, iyo lacagaha caymisku jarto). Lagaama qaadi karo qarashaadka dheeriga ah ee ku baxaaya adeegyadaan xaalada degdega ah. Adeegyadaan waxaa kamid ah adeegyada laga yaabo inaad hesho kadib marka xaaladaadu caadi noqoto, illaa inaad bixiso maahee oggolaansho qoraal ah aadna meesha ka sarto difaacyadaada ku aadan inaad lagaa qaadin qarashka dheeriga ah ee adeegyadaan kadib markaad soo naaxdo.

Sharciga Ohio ayaa difaacaaya bukaannada hela caymisyada gobalku maamulo iyo qorsheyaasha caymiska ee uu xukumo kormeeraha guud ee caymiska si aysan qarash dheeraad ah uga qaadin adeegyada xaalada degdega ah ee caymisku daboolaayo uuna bixinaayo dhakhtar ka baxsan caymiska laguna bixinaayo xarun ka baxsan caymiska iyo xarun katirsan caymiska oo lagula tacaalo xaaladaha degdega ah. Difaacyadaan waxay ka doonayaan bukaannada inay bixiyaan keliya cadadka qarashka wadaaga ah ee caymiskooda. Si aad u hesho xog dheeraad ah, Akhri Xeerka La cusboonaysiiyay ee Ohio ee §§ 3922.01, 3902.50, 3902.51.

Adeegyada qaarkood oo lagu bixiyo isbitaal ama xarunta gurmadka degdega ah ee qaliinka oo katirsan caymiska

Markaad adeegyo ka hesho isbitaal ama xarunta gurmadka degdega ah ee qaliinka oo katirsan caymiska, adeeg bixiyaasha qaarkood ayaa noqon kara kuwo ka baxsan shabakada caymiska. Markay sidaan dhacdo, cadadka ugu badan ee adeeg bixiyaashaan kaa dalban karaan waa cadadka wadaaga ah ee qiimaha caymiskaagu kaa qaado. Arrintaan ayaa qabanaysa daawada xaalada degdega ah, suuxinta, baaritaanka, raajada, sheybaadhka, daryeelka ilmaha, kaaliyaha dhakhtarka qaliinka, dhakhtarka isbitaalka, ama adeegyada xaaladaha adag. Adeeg bixiyaashaan kaama qaadi karaan qarash dheeraad ah kaamana codsan karaan inaad ka tanaasusho difaacyadaada ah inaan qarash dheeraad ah lagugusoo rogin.

Haddii aad hesho noocyada kale ee adeegyada lagu bixiyo xarumahaan ku jira caymiska, dhakhaatiirta ka baxsan shabakadu kaama qaadi karaan qarash dheeraad ah, ilaa inaad bixiso maahee ogolaansho qoran aadna ka tanaasusho difaacyadaada.

Marna lagaama dooni karo inaad ka tanaasusho difaacyadaada ka dhanka ah qarashaadka dheeraad ah. Lagaama doonaayo inaad daryeel u raadsato cid ka baxsan caymiska. Waxaad dooran kartaa dhakhtar ama xarun ku jirta caymiskaaga.

Sharciga Ohio ayaa difaacaaya bukaannada hela caymisyada gobalku maamulo iyo qorsheyaasha caymiska ee uu xukumo kormeeraha guud ee caymiska si aysan qarash dheeraad ah uga qaadin adeegyada caymisku daboolaayo uuna bixinaayo dhakhtar ka baxsan caymiska laguna bixinaayo xarun katirsan caymiska haddii aan bukaanku awoodin inuu codsado dhakhtar caymiska ka tirsan. Difaacyadaan waxay ka doonayaan bukaannada inay bixiyaan keliya cadadka qarashka wadaaga ah ee caymiskooda. Dhammaan adeegyada kale ee caafimaadka ee la siiyo bukaan caymiska ku jira uuna baxsho dhakhtar ka baxsan caymiska kuna sugan xarun kamid ah caymiska, bukaanka laga qaadi karo qarash dheeraad ah ilaa in bukaanka loo sheego maahee, marka qarash si daacad ah loogu qiimeeyo adeegyada caafimaadka, uuna ogolaado bukaanku. Si aad u hesho xog dheeraad ah, Akhri Xeerka La cusboonaysiiyay ee Ohio ee §§ 3922.01, 3902.50, 3902.51.

Haddii aad aaminsan tahay in qarash khalad ah lagaa qaaday, waxaad la xariiri kartaa Ohio Department of Insurance (Waaxda Caymiska ee Ohio) oo aad ka wacayso 800- 686-1526.

Marka aan la ogolayn qarashka dheeraadka ah, waxaad sidoo kale helaysaa difaacyadaan:

  • Waxaad keliya masuul ka tahay dhiibista qoondada kaagasoo aada qarashka (sida qaybta qarashka, qasaaro qaybta caymiska, iyo lacagta caymisku goosto ee aad bixin lahaydhaddii dhakhtarka ama xaruntu katirsanaan lahayd caymiska). Caymiskaaga caafimaadka ayaa bixin doona qiimeyaal kasta oo dheeraad ah oo ku baxaaya dhakhaatiirta iyo xarumaha ka baxsan caymiska si toos ah.
  • Si guud, caymiskaaga caafimaadku waa inuu:
    • Bixiyaa qarashka adeegyada degdega ah asagoo kaa dalban inaad ogolaansho u hesho adeegyada xili hore (oo sidoo kale loo yaqaano “ogolaanshaha hore”).
    • Waa inuu daboolaa adeegyada xaalada degdega ah ay baxshaan dhakhaatiirta ka baxsan
    • Waa inuu ku saleeyo qarashka uu kugu leeyahay dhakhtarku ama xaruntu (qaybta qarashka wadaaga ah) cadadka aan bixin lahayd markaad adeeg ka hesho dhakhtar ama xarun ka tirsan caymiska uuna ku muujiyo cadadkaas sharaxaada gunnooyinka aad helayso.
    • Waa inuu ku tiriyo cadad kasta ood ku bixiso adeegyada xaalada degdega ah ama adeegyada ka baxsan caymiska lacagta lagaaga jaro adeegyada caymiska iyo xadiga u degsan lacagta aad jeebkaaga ka dhiibi karto.

Haddii aad aaminsan tahay in qarash khalad ah lagaa qaaday, waxaad la xariiri kartaa Ohio Department of Insurance (Waaxda Caymiska ee Ohio) ood ka wacayso 800-686-1526.

Booqo www.cms.gov/nosurprises/consumers ama wac 800-985-3059 si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan xaquuqda sharciga federaalku ku siinaayo.

Last Updated: 8/17/22